Maamulka la baxay Jubbaland ayaa beeniyay eedeyn uga timid Dowladda Fedaraalka oo aheyd iney diyaarad ku afduubteen magaalada Kismaayo.
War kasoo baxay waaxda gaadiidka iyo duulista hawada ee maamulka la baxay Jubbaland ayaa looga hadlay, eedeyn Dowladda Fedaraalka ay ujeedisay maamulkaas oo ku aaddaneyd iney magaalada Kismaayo ku afduubteen diyaarad ay rayidku leeyihiin.
Waxa uu maamulka la baxay Jubbaland tilmaamay in warkaasi uu yahay mid aan sal iyo raad toona laheyn, ammaanka garoonka diyaaradahana Kismaayana uu sugan yihiin oo ay ka jirin wax dhibaato ah.
Waxay ay intaas ku dareen in hey’adda gaadiidka iyo duulista hawada ee Dowladda Fedaraalka ay ku dhex milantay khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya labadaan nidaam, ayna ka baxday shuruucdii duulimaadka.
Eedeynta loo jeediyay ee aheyd in ay diyaaradda afduubteen hub iyo cidanna ku geeyeen Doolow ayuu maamulka la baxay Jubbaland sheegay iney waxba kama jiraan tahay, diyaaraddana ay qaaday oo kaliya masuuliyiin katirsan maamulkooda oo aan hubeysneen, islamarkaana aysan jirin wax hub ama ciidan ah oo lagu qaaday diyaaradda.
Halkan ka Degso Warka ku Saabsan Maamulka la Baxay Jubbaland.