Muddo todobaad ah waxaa mid kamid ah jeelasha ku yaalla magaalada Jigjiga ee ku hoos jira gumeysiga Dowladda Xabashida Itoobiya ku xiran, qoyska mid kamid ah odayaasha ku dhaqan magaaladaas.
Ciidanka nidaamka Mustafa Cagjar ayaa waxa ay jirdil iyo xarig isugu dareen, qosyka oday dhaqameed lagu magacaabo Cabdirashiid Ugaas Rooble, iyadoona la xiray 8 ruux oo kamid ah qoyskiisa, waxaana ay ciidanku garaacis kula dhaqaaqeen haween la dhashay Cabdirashiid, kuwaas oo iyagoo dhaawac ah muddo todobaaad ah ku xiran xabsiga.
Xilligii ay ciidanku weerarayeen guriga waxa uu Cabdirashiid ka maqnaa magaalada, waxaana markii uu soo noqday laga diiday in qoyskiisa loo sii daayo.
Wareysi hore oo uu bixiyay ayuu ku sheegay, in sababta weerarka iyo xariga xubnaha qoyskiisa katirsan ay la xiriirto, muran ka taagan guriga aabihiis oo uu sheegay inuu ku heysto si xoog ahna kaga dagan yahay nin Amxaar ah.
Aabaha dhalay Cabdirashiid ee leh guriga xoogga lagu heysto oo lagu mgacaabo Ugaas Rooble Ugaas Doodi, ayaa waxaa sannadkii 1977 lagu dilay magaalada Jigjiga, isaga iyo dad kale oo isugu jiray xubno katirsan qoyskiisa iyo odayaashii haldoorka u ahaa dadka deegaaanka, iyagoona ku daldalay buurta Kaaraamara ee dhulka Soomaali-galbeed.
Dowladda Xabashida Itoobiya ayaa dhibaato xooggan ku heysa bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dhulka Soomaali-galbeed ee ku hoos jira gumeysigeeda, iyadoona kula kacda dilal joogta ah, xarig iyo qoryahooda oo ay xoog kula wareegto.
Halkan ka Degso Warbixinta.