Dowladda Xabashida Itoobiya ayaa si adag u beenisay iney ciidankeedu qeyb ka ahaayeen dagaal ka dhacay degmo katirsan gobalka Gedo.
Warsaxaafadeed kasoo baxay Dowladda Itoobiya ayaa looga hadlay eedeyn uga timid Dowladda Fedaraalka, taas oo aheyn in ciidankeedu ay ka qeyb qaateen dagaal ka dhacay gobalka Gedo.
War kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Dowladda Xabashida Itoobiya ayaa si adag loogu beeniyay, in ciidanka Xabashida ay qeyb ka ahaayeen dagaal shalay ka dhacay degmada Luuq ee gobalka Gedo.
Waxay Xabashidu tilmaameen iney aad uga xun yihiin war kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Dowladda Fedaraalka, kaas oo Itoobiya loogu jeediyay eedeyn ah iney ciidankeedu ku lug lahaayeen dagaalka Doolow.