Maamulka la baxay Jubbaland ayaa lagu eedeeyay inuu diyaarad ka afduubtay magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubada-hoose.
Diyaarad ay leedahay sharikadd Halla Airlines ayaa la sheegay in magaalada Kismaayo uu ka afduubtay maamulka la baxay Jubbaland, islamarkaana uu kala wareegay qalabkii isgaarsiinta.
Maamulka Shirkadda ayaa waxa ay sheegeen, in duulimaadkooda oo ahaa magaalada Muqdisho uu hor istaagay maamulka la baxay Jubbaland kahor inta aysan duulimaadyada joojin Dowladda Fedaraalka.
Halkii ay Muqdisho aadi lahaayeen ayay sheegeen in lagu qasbay iney diyaaradda ka dajiyaan degmada Doolow ee gobalka Gedo, iyadoo eedeyn ujeediyay maamulka la baxay Jubbaland.
Dowladda Fedaraalka ayaa dhankeeda war ay soo saartay waxa ay ku cambaareysay, tallaabada sharikadda duulimaadka Halla Airlines lagu afduubtay sida ay hadalka udhigtay.