Saacadihii lasoo dhaafay waxaa biyaha badweyntaha Hindiya ee geeska Qaaradda Afrika lagu waayay 25 doomood oo ay la socdeen Tahriibeyaal iyo Kalluumaysato Soomaali ah.
Illaa 4 kamid ah doonyahaas oo dad tahriibayaal ah ka qaaday magaalada Mombasa ee dalka Kenya ayaa lagu la’yahay xeebaha dalkaas.
Muddo 5 maalmood ah ayaa la la’yahay dadkaan, waxaana ay badankood ka yimaadeen magaalada Muqdisho iyagoo kusii jeeday jaziiradda Mayoota ee ku dhow Madagaskar balse maamul ahaan hoostagta dowladda Faransiiska.
Geesta kale ku dhawaad 25 doonyoon oo ay la socdeen 60 dhalinyaro Kalluumeysato ah ayaa lagu la’yahay xeebaha magaalada Muqdisho, iyadoo qaarkood meydadkooda la helay.