Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa waxa ay saacadihii lasoo dhaafay fuliyeen, weeraro ka dhan ah ciidanka Xabashida Itoobiya iyo kuwa Dowladda Fedaraalka, kuwaas oo ka kala dhacay goballada Gedo Bakool iyo Dhulka NFD ee ay gumeysato Kenya.
Haddaan ku horreyno gobalka Gedo, waxay habeenkii xalay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab weerar ku qaadeen, xero ay askarta Dowladda Fedaraalka ku leeyihiin degmo katirsan gobalkaas.
Weerarka ayaa lala beegsaday halka loo yaqaanno xero koowaad ee ay askarta Dowladda Fedaraalka ku leeyihiin degmada Luuq ee gobalka Gedo.
Dhanka gobalka Bakoolna, Weerar ayay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku qaadeen xerada askarta Xabashida Itoobiya ku leeyihiin degmada Xudur Bakool.
Rasaasta ayaa in muddo ah ku socotay ciidanka Xabashida ee duullaanka ku jooga degmada Xudur, illaa iyo hadda ma aanan helin tafaasiil ku aaddan weerarkaas.
Ugu dambeyn ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday, xero maleeshiyaad ay taba baratay Dowladda Kenya ku leeyihiin deegaanka Dhasame ee hoostaga Magaalada Lafeey ee gobalka Mandheera kuna hoos jira gumeysiga Kenya.