Xafaddaan oo uu heerkeedu sarreeyo ayaa waxaa ku qalin jabiyay da’ yar lagu anqariyay Towxiidka, oo xifdiyay kalaamka Allaah Cazza Wajalla, qaarkoodna bartay culuumta Shareecada, halka kuwa kalena ay billow yihiin oo ay qoraalka iyo akhrinta ka aflaxeen.
Tirada ardeyda qalin Jabisay waa inkabadan 200 oo arday, 120 kamid ah waxay xifdiyeen Quraanka kariimka waana dufcadda 17aad, halka 82 ardey oo ah dufcada 20aad ay barteen qoraalka iyo akhrinta, 12 ardayna waa dufcadda 21aad oo ka qelin jebisay qeybta Machadka Culuumta Shareecada iyo Maaddiga ee mu’assasada Al-Utrujja.
Munaasabadda waxaa goobjoog ah boqollaal ruux oo isuga jira culimo, waxgarad, nabadoonno, waalidiin iyo masuuliyiin katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo uu horkacayo waaliga gobolka Shabeellaha Hoose Sheekh Cabdisamad Abuu Cabdi-raxmaan.