Wasaaradda Difaaca ee dowladda Ruushka ayaa dhawaan ku dhawaaqaday iney xukuumadda Kiyv kala wareegtay labo magaalo oo midood dhacdo mandiqadda Khaarkeef, halka midda labaadna ay ku taallo Mandiqadda Donitsik.
Lawareegitaanka magaalooyinkan ayaa yimid xilli todobaadyadii udambeeyay ay ciidamada Ruushku culeys xoog leh saarayeen magaalooyin iyo tuulooyin dhaca mandiqadda Donitsik.
Sido kale ciidamada Ruushku waxay Dhawaan la wareegeen tuulada Soonitsifkaa oo dhacda Waqooyiga magaalada Kuraakhoof ee wadanka Ukraine, sida lagu sheegay war kasoo bay wasaaradda Gaashaandhigga Ruushka.
Xuukuumadda Ukraine dhankeeda majiro wax war ah oo ay kasoo saartay sheegashada Ruushka ee lawareegitaanka magaalooyinkan, waxayna ku gaabsatay iney dagaallo socdaan oo kaliya.
Dhinaca kale Ukraine ayaa sheegtay iney soo ridday 47 kamid ah diyaaradood oo Drones ah, oo ay kusoo weerartay Dowladda Ruushka, asal ahaanna markii hore ahaa 72 diyaaaradood.
Ciidamada nidaamka difaaca hawada ee Ukraine ayaa sheegay iney ka hor tageen, weerar uu Ruushku kusoo qaaday illaa 9 mandiqadood oo katirsan wadankaasi, waxayna qirteen inuu jiro khasaare hantiyeed oo ka dhashay weeraradan, kaasoo laga soo diiwaan geliyay mandiqadda Khamilinitsiki iyo magaalada Kiyv ee caasimadda wadankaasi.