Wararka aan ka heleyno magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobalka Galgaduud ayaa ku waramaya, in sarkaal katirsan Boliska maamulka la baxay Galmudug lagu dilay gudaha magaaladaas.
Dilka sarkaalkaan ayaa dhacay habeenkii xalay, waxaana la beegsaday xilli uu gaari watay, iyadoo uu dhaawac soo gaaray haweeney la joogtay xilligii la beegsanayay.
Sarkaalka la dilay oo ahaa 2 xidigle katirsan maamulka maamulka la baxay Galmudug ayaa lagu magacaabaa Xasan Cabdi Maxamed oo loo yaqiinnay (Xasan Quuri).
Illaa iyo hadda lama oga cidda ka dambeysay dilka sarkaalkaan, iyadoo wararka qaar ay tilmaamayaan in aano qabiil loo dilay sarkaalka.
Goor dambe ayuu maamulka la baxay Galmudug sheegay inuu gacanta kusoo dhigay ninkii ka dambeeyay dilka sarkaalkaan, waxaana sawirradiisa oo ay soo bandhigeen ay muujinayeen inuu ahaa askari katirsan Dowladda Fedaraalka kuna labisan dareyska ciidanka.