Buuq iyo fowdo ayaa hareysay kulan ay isugu yimaadeen xubnaha Baarlamaanka dalka Uganda Arbacadii shalay, kadib markii labo xillibaan oo ku sugnaa kulanka ay isku gacan qaadeen, feerna isla dhaceen.
Buuqa ayaa ka dhashey kadib markii xillibaan lagu magacaabo Anthony Akol oo laga soo doorto mandiqadda wuqooyiga Kilak uu ku fadhiistay kursiga xillibaan kale oo lagu magacaabo Zaaki, waxaana taasi dhalisay in labada xillibaan ay isku gacan qaadaan.
Muuqaal ku baahay Internetka ayaa muujinaya xillibaan si adag loo garaacaayo, markii dambena ku dhacay dhulka oo miyiri daboolmey, iyadoo sidoo kale la arkayay haweeneyda afhayeenka baarlamaanka Uganda ah oo goobta ka carareysa, iyadoo ay ku geedaamnyihiin qaar kamid ah ilaaladeeda gaarka ah.
War kasoo baxay Gudoonka baarlamaanka dalka Uganda ayaa lagu sheegay, in shaqada looga joojiyay ugu yaraan 12 Xillibaan oo katirsan baarlamaanka, kuwaasoo qeyb kulahaa gacan ka hadalka maalintii shalay ka dhex dhacay xarunta baarlamaanka.