In ka badan 10 ruux oo ubadan ciidamo Bolis ah ayaa ku dhaawacmay, shaqaaqo ka dhacday magaalada Sheekh ee uu ka arrimiyo maamulka la baxay Soomaaliland.
Wali waxaa deegaanno katirsan dhulka uu ka arrimiyo maamulka la baxay Soomaaliland ka socda, diyaar garow ku aaddan doorashooyin uu qaban doono maamulkaas.
Xisbiga Kulmiye oo ah kan talada haya ayaa isku soo bax uu ku dhigtay magaalada Sheekh waxaa ku shiiday qolyo kale oo ay iska soo horjeedaan, taas oo sababtay khasaare kala duwan.
Gudoomiyaha degmada Sheekh Ismaaciil Xuseen Cali oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay, in shaqaaqadaan ay ku dhaawacmeen in ka badan 10 ruux oo ubadan ciidamada Boliska ee maamulka la baxay Soomaaliland, burburna uu kasoo gaaray tiro gaadiid ah.