Mu’assasada Al-Kata’ib oo ah garabka warbaahineed ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa caawa baahisay qeybta 01-aad tixane loogu magac daray “Geedigii Gurguurte…Guul mise gebidhacleyn?” kuwaas oo lagu soo bandhigayo gulufkii uu Xasan Sheekh kusoo qaaday wilaayaadka Islaamiga iyo guuldarooyinkii uu kala kulmay.
Muuqaalka oo la daawan karo qadar 25 daqiiqo iyo ilbiriqsiyo ah ayaa soo bandhigaya, xaqiiqada fashilka qaraar ee labadii sano ee lasoo dhaafay uu la kulmay Xasan Sheekh oo ah madaxweynaha Dowladda Fedaraalka.
Buuqa iyo fadeexadda hareysay teendhadii lagu soo doortay Xasan ayuu qeybaha hore ee filimka cusub soo gudbinayaa, waxaana madaxda qaarkood oo iska yaabay ay sheegayaan in shisheeyaha oo goob joog ahaa teendhada uu la yaabay nidaam darridooda.
Intaasi kadib waxa uu muuqaalku soo gudbinayaa sida ay Shisheeyaha uu Mareykanku ugu horreeyo hogaanka ugu hayaan Dowladda Fedaraalka, xubno iyada katirsan ayaana ka marqaati kacaya in aysan tallaab qaadi karin illaa uu Mareykanku ogyahay mooyaane.
Xasan Sheekh oo golo walba ka sheegaya in ay muddo kooban kaga adkaan doonaan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayuu filimku soo gudbinayaa, waxaana khudbad waliba oo uu jeediyo oranayay hal hadal oo uu ku tilmaamayo iney ka awood badan yihiin Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Inkastoo awoodda uu Xasan Sheegtay laga waayay fagaaraha dagaalka, waxay docda kale Mu’assasada Al-Kata’ib kuusoo bandhigeysaa sida ay Dowladda Fedaraalka ugu fashilantay dagaalkii ay ku iclaamisay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Xeryo badan oo cagta la mariyay, saraakiil muhiim ahaa oo la laayay, iyo weerarada habeen iyo dharaar cadba ka dhacaya Muqdisho ayaa bannaanka soo dhigaya, niyad jabka ay Dowladda Fedaraalka ka qaaday dagaalkii uu galiyay Xasan Sheekh.
Qeybaha dambe ee muuqaalka waxaa lagu soo bandhigayaa rag katirsan naftood hurayaashii fuliyay camaliyaaadkii lagu beegsaday xeryaha askarta Dowladda Fedaraalka ay ku leeyihiin deegaannada qaar iyo magaalooyinka waaweyn sida Muqdisho, kuwaas oo Xasan usheegaya inuusan marnaba libin ka keeni doonin dagaalka ay ku fashilmeen Shisheeyaha kusoo duulay dalka.