Qarax ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab maanta ka fuliyeen inta udhexeysa degmooyinka Doolow iyo Balad-xaawo ee gobalka Gedo ayay ku burburiyeen, gaari ay la socdeen saraakiil katirsan Dowladda Fedaraalka.
Gaariga oo uu ku rakibnaa qori Biiteem ah ayaa gabi ahaanba burburay, waxaana halkaasi ku dhintay sarkaal kabtan ah oo magaciisa lagu soo koobay Qoorgaab.
Sidoo kale waxaa qaraxaasi lagu dhaawacay 6 askari oo uu ku jiro sarkaal 1 xidigle ah oo lagu magacaabo Cumar Kaniini.
Isla gobalka Gedo Sarkaal katirsan sirdoonka Dowladda Fedaraalka oo lagu magacaabo Dhagajuun ayaa si dirqi ah kaga badbaaday, weerar qarax ah oo ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab kula beegsadeen hoyga uu ka dagan yahay degmada Balad-xaawo ee gobalka Gedo.