Axmed Madoobe oo ah hogaamiyaha maamulka la baxay Jubbaland ayaa waxa uu dallacsiiyay, Cabdixakiin Xasan Cartan oo ah Taliyaha aaga Waqooyi ee Magaalaada Kismaayo ee Ciidanka Booliska maamulkaas.
Axmed ayaa taliyahaan u dallacsiiyay darajada gaashaanle, kaas oo uu ku amaanay inuu iska diiday damaca gurracan ee ay Dowladda Fedaraalka ku dooneyso iney ku kala furfurto maamulkiisa sida uu hadalka udhigay.
Taliyaha ayaa waxa uu horay usheegay in Xasan Sheekh, Madaxweynaha Dowladda Fedaraalka uu usoo diray lacag dhan 90,000 kun oo dollar, si uu hoggaan uga noqdo afgambi xilka looga tuuri lahaa Axmed Madoobe balse uu iska diiday arrintaan.
Tani ayaa kusoo aadeysa iyadoo xiisadda u dhaxeysa Dowladda Fedaraalka iyo maamulka la baxay Jubbaland ay uwareegtay dhanka gobalka Gedo, labada dhinacna ay wali yihiin mudac mudac ku taag oo aysan jirin wax xal ah oo laga gaaaray khilaafkooda.