Maamulka la baxay Koonfur-galbeed ayaa lasoo warinayaa inuu xabsiga dhigay askar gadood sameeyay oo eedeyn ujeediyay maamulkaas.
Hogaamiyaha maamulka la baxay Koonfur-galbeed C/Casiis ayaa la sheegay inuu amar ku bixiyay in lasoo xiro, saraakiil iyo askar shalay muuqaallo iska soo duubay kuwaas oo eedeymo ujeediyay maamulka.
Saraakiisha iyo askarta ayaa waxa ay Laftagareen ku eedeeyeen inuu dayacay ayna gaajo udhimanayaan, taas badalkeedana uu hogaamiyahooda uu lacago malaayiin dollar ah ku bixinaya xaflado uu ku qabsaday Beydhabo.
Halkii uu ka jawaabi lahaa tabashadooda ayaa waxa uu ugu badalay inuu xabsiga dhigo ciidankiisa, waxaana ragga jeelka la dhigay kamid ah 4 saraakiil ah oo uu ku jiro taliye ku xigeenka ciidanka loogu yeero Daraawiishta ee maamulka la baxay Koonfur-galbeed.
Halkaan ka Degso Warka Laftagareen