Xildhibaankaan oo lagu magacaabo Cali Cabdullaahi islamarkaana kamid ah xildhibaannada ku go’doonsan magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubada-hoose ayaa sheegay, in dhibaatooyin uu kala kulmay maamulkaas.
Waxa uu tilmaamay in xilka laga qaaday, sidoo kalana isagoo doonayay inuu ka duulo garoonka Kismaayo gacanta lagu dhigay isaga iyo xildhibaanno kale.
Waxa uu sheegay in handadaad loo geystay islamarkaana lagu wargaliyay inuusan ka bixi karin magaalada Kismaayo, halkaasna loogu heysto si afduub ahaan ah, haddii uu dhulka mari lahaana uu ka baqanayo Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.