Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weeraro qarax ah waxa ay ka fuliyeen, degmada Balcad ee gobalka Sh-hoose, iyo deegaan katirsan gobalka Wajeer ee ku hoos jira gumeysiga Kenya.
Haddaan ku horreyno gobalka Wajeer, Tafaasiil dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar qarax ah oo maalmo kahor lala beegsaday, kolonyo katirsan ciidanka Kenya oo ku socdaalayay deegaan katirsan gobalkaas.
Qaraxa ayaa ciidanka Kenya lagula beegsaday, duleedka deegaanka Qarso ee hoostaga degmada Qorof Xaraar oo katirsan gobalka Wajeer ee ku hoos jira gumeysiga Dowladda Kenya.
Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaasi lagu dilay 9 askari oo katirsan Dowladda Kenya, 13 kalana waa lagu dhaawacay, halka lagu gubay 2 gaari oo kala ah Taaw iyo Kooyal.
Dhanka gobalka Sh-dhexe, waxay habeenkii xalay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab qaraxyo ku weerareen, saldhigga askarta Dowladda Fedaraalka ay ku leeyihiin degmada Balcad ee gobalkaas.
Qaraxyada oo 2 ahaa ayaa waxaa lagu dilay ugu yaraan 2 askari, halka lagu dhaawacay 5 kale, waxaana xilliga ay dhacayeen meel aan sidaa uga fogeen saldhigga ku sugnaa Odawaa Yuusuf Raage oo ah taliyaha ciidamada Dowladda Fedaraalka iyo Cabdullaahi Sanbaloolsha oo ah taliyaha Sirdoonka.