Monday, December 23, 2024
HomeAll NewsEmmanuel Macron oo Sheegay in Jabuuti ay Dowr Muhiim ah ka Qaadaneyso...

Emmanuel Macron oo Sheegay in Jabuuti ay Dowr Muhiim ah ka Qaadaneyso Jiritaanka Dowladdiisa.

Madaxweynaha Faransiiska ee ku caan baxay Aflagaada Rasuulka Salla-llaahu Caleyhi Wasallam ayaa booqasho ku yimid dalka Jabuuti.

Emmanuel Macron oo ah madaxweynaha Dowladda Faransiiska ayaa habeenkii xalay waxa ay booqasho rasmi ah uga bilaabatay dalka Jabuuti, kadib markii uu billaabay safarro uu ku marayo qaar kamid ah wadamada Afrika.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa garoonka diyaaradaha ee Jabuuti kusoo dhaweeyay wafdiga uu hogaaminayo Macron.

Madaxweynaha Faransiiska oo 2 cesho joogi doona dalkaas ayaa dhigiisa waxa uu kala hadlay arrimo la xiriira iskaashiga labada dowladood, iyo kaalinta uu Faransiisku ku leeyahay dagaalka ka dhanka ah Muslimiinta.

Xukuumadda Paris oo jahawareer xooggan ka qaaday hoos u dhaca nufuuddii ay ku laheed qaar kamid ah wadamada Afrika iyo ka bixitaankeedii wadamadaas ayuu Macron sheegay iney saldhigga ay Jabuuti ku leeyihiin uu qaadan karo door weyn.

Waxa uu tilmaamay in baraarug xooggan iyo is badal weyn uu lasoo darsay, maadaama buu yiri uu is badal ku yimid ra’iyihii dadweynaha iyo dowladaha ku yaalla Mandiqaddaan.

Faransiiska ayaa gumeysi ku heysto dalka Jabuuti, waxaana halkaasi uu ku leeyahay saldhig weyn oo uu ka maleeyo qorshayaasha ka dhanka ah Muslimiinta, dhagartiisa oo ay ku baraarugeen qaar kamid ah dowladaha dhaca saxaraha iyo saaxilka Afrika ayaana sababtay iney wadamadooda ka ceyriyaaan.

Halkaan ka Degso Warka Macron

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments