Weerarkan oo ahaa mid khasaare badan dhaliyay argagaxna ku beeray dadka Nasaarada ah ee Ku nool dalkaasi, ayaa galabnimadii shalay ka dhacay magaalada Maagboorge ee wadanka Jarmalka.
Nin dhaqtar ah oo ay xukuumadda dalkaasi sheegtay inuu udhashay wadanka Sucuudiga muddo dheerna ku noolaa dalka Jarmalka, ayaa shalay weerar gaari jiirsiin ah ku qaaday suuq ugaar ah ciidda Kirismiska ee ay dhigtaan dadka Nasaarada dhamaadka Sanad waliba oo ah kan lagu magacaabo Miilaadiga, wuxuuna halkaasi ku dilay 11 ruux oo ah dadkii Nasaarada ahaa ee suuqa ku sugnaa, halka uu dhaawacay tiro aad ubadan oo lagu sheegay 60 illaa 80 qof.
Masaafo dhan illaa 400 mitir ayuu suuqa ugalay isagoo gaarigiisa wata ayuuna hadba beegsanayay meelaha ay dadku ku badan yihiin.
Kooxda qaabilsan gurmadka deg dega ee xukuumadda Jarmalka ayaa laga soo xgtay, in dadka dhaawacmay ay yihiin kuwo garaab ah.
Dowladda Jarmalku waxay sheegtay iney gacanta ku dhigtay ninka fuliyay weerarka, waxayna aad uga cabsi qabtaa inuusan kaligiis ahayn oo ay suuragal tahay iney weeraro kan kamid ah dhicikaraan waqti kasta.
Dhacadadan ayaa argagax weyn ku beertay Nasaaro badan, kuwaasoo haatan ka baqaya in nafta la dhaafiyo, waxaana sido kale lagu kala cararay suuqyo noocaan ah oo loo diyaariyay ciidda Kirismiska kuwaasoo yaalla dalkaasi Jarmalka.