Maalintii shalay xukuumadda Kiyv ayaa ku dhawqaaday, iney ciidamadeedu kasoo baxeen labo tuulo oo katirsan mandiqadda Donitiski ee dhacda Bariga Ukraine,
Sababta ay uga soo baxeen tuulooyinkan ayey ku sheegeen iney ka fogaanayaan in ciidankooda ay go’doon ku noqdaan halkaasi maadaama askarta Ruushku ay kusoo dhawaanayaan.
Mas’uuliyiin ku sugan gudaha Ruushka ayaa sheegay in 6 ruux ay ku dhimatay weerar gentaallo loo adeegsaday oo ay ciidamada Ukraine ku garaaceen magaalada Raayilisk ee kamid ah mandiqadda Kuursik ee katirsan wadanka Ruushka.
Dhacdooyinkan is xig xiga ayaa kusoo aaddaya xilli subaxnimadii shalay ay xukuumadda Ruushku genataallo Balaastik ah ku garaacday, magaalada kiyv ee caasimadda dalka Ukraine, waxaana laga soo xigtay mas’uuliyiin katirsan Ukraine, inuu ku dhintay hal ruux, halka ay sababeen gubasho iyo burbur intaba .