Sunday, December 22, 2024
HomeAll NewsMaleeshiyaadka RSF oo Dad Shacab ah ku Laayay Gobalka Daarfuur ee Suudaan.

Maleeshiyaadka RSF oo Dad Shacab ah ku Laayay Gobalka Daarfuur ee Suudaan.

Malleeshiyaad Ad-Dacmu As-Sariic ayaa ku dhawaad 30 ruux oo shacab ah ku xasuuqay tuulada Abu Zureyqah ee katirsan mukharamka barakacayaasha ee Zam Zam, kaasoo 15 KM   Koonfur kaga beegan magaalada go’doonsan ee Al-Faashir.

RSF ayaa tuuladan weerar ku qaaday maalintii shalay oo Jimco ahayd, waxayna halkaasi ku dileen 25 ruux sida ay warbaahinta la wadeegeen ilo wareedyo ku sugan gudaha Suudaan.

Magaalada Al-Faashir ayaa in muddo ah go’doon ku jirta, kaasoo ay saareen malleeshiyada RSF ee ay taageerto dowladda Imaaraat-ka Carabta.

Tiro koob la sameeyay oo dhawaan la shaaciyay ayaa sheegaya, in tan iyo bishii May magaalada Al-Faashir oo kaliya lagu dilay dad gaaraya 700 ruux.

Malleeshiyadan aan magacooda soo sheegnay ee caadeystay daadinta dhiigga shacabka ah ayaa dadka ku sugan meelaha ay joogaan u diidan in la gaarsiiyo wax gurmad ah, taas bedelkeeda waxay shacabk ay xoogga kula joogaan ka dhacaan wixii hantiya ee ay heystaan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments