Xilli maalmihii lasoo dhaafay ay dagaallo culus ka socdeen magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobalka Sanaag, islamarkaana udhexeeyay maamullada lakala baxay SSC iyo Soomaaliland, ayaa waxa ay taasi sababtay barakac xooggan.
Dagaallada ka dhacay Ceerigaabo ayaa lasoo warinayaa in ay ku barakaceen in ka badan 43,000 oo ruux, kuwaas oo uqaxay baadiyaha magaalada.
Dadka barakacay ayaa wajahaya xaalado adag oo xagga nolosha ah, waxaana marka iyaga laga yimaado jira dad ku dhintay dagaallada oo ay ku jirtay gabar yar oo dhawaan ka qalin jabisay mdaraso ku taalla magaalada Ceerigaabo.