Wadanka Suudaan ee qaaradda Afrika waxaa muddo ka badan sanad kasocda, dagaallo udhaxeeya kooxda RSF iyo ciidamada xukuumadda Suudaan.
Sidii ay ubilowdeen dagaalladan, waxay shacabka Suudaan noqdeen kuwo dhibaato ujoog ah, gumaad, barakac, kufsiga dumarka, afduub, nolol xumo, iyo dhibaatooyin tiro beel ah ayeyna la noolyihiin tan iyo xilligaas.
Waqtiga haatan la joogo, waxay Muslimiinta Suudaan la noolyihiin dhibaatooyinkii ugu adkaa ee soo mara, waxaana kor usii kacay barakaca ay sameynayaan.
Gobolka Al-Jaziira ee dalkaasi ayaa ugu badan meelaha ay Muslimiinta Suudaan kula kulmayaan dhibaatooyinka, magaalada Al-Hilaaliya ee gobolaasi ayaana go’doon ku jirta muddo 12 maalin ka badan, kaasoo ay saareen kooxda RSF ee ay taageerto dowladda Imaaraadka Carabta.
Magaaladan waxaa ku nool dad tiro ahaan lagu sheego toban kun oo ruux , waxanaa xilligan laga soo sheegayaa xaalad adag oo ay ku jiraan dadka magaaladaasi.
Dhimashada dadka iyo dhaawaca dadka ku nool magaaladaasi ayaa kor usii kacaya marba marka ka dambeysa, sababo la xiriir gargaar caafimaad oo aan meesha oolin maadaama ay go’doon ku jirto, waxaana intaasi usii dheer xaalado caafimaad darro oo ka dhashay raashin dhacay oo dadka loo qeybiyay.
Xaaladda caafimaad ee bukaanada waayeellada iyo caruurta isugu jira ayaa kasii dartay, waxaana lasoo sheegayaa in dad gaaraya 40 ruux ay ku dhinteen magaaladaasi.
Marka laga hadlayo kufsiga haweenka gaar ahaan kuwa da’da yar, waxay keentay iney dumarka qaar nolosha is dhaafiyaan sababo la xiira xadgudbyada ay la kulmayaan awgeed, mana ahan mid hadal lagu soo koobi karo waxa ka socda dalka Suudaan.
Gobolka Al-Jaziira ee aan ka hadleyno waxaa maalinba maalinta ka dambeysa kusii badanaya xabaalaha, taasoo ay ugu wacantay dadka tiro beelka ah ee ay xasuuqa ku hayaan kooxda RSF.