Mid kamid ah dabinnada ugu halista badan ee uu Sheydaanku ku dago dadka kuna dhacaan waxaa kamid ah, in ay adduunyadu hanato quluubtooda, ayna ka faa’iideysato awoodooda, taas oo aan ureebin waxyar oo ay kaga hortagi karaan arrintaas, ayna awoodi waayaan iney naftooda ka badbaadiyaan dunuubta iyo dhibaatada ay aduunyadu leedahay.
Iyagoo xaalkaas ku sugan ayaa waxaa la dheeraan doono waqtiga, sidaas ayayna ku raali noqon doonaan, waxayna isku dhiibayaan Sheydaanka, maalmuhuna way kadin doonaan, iyagoo noloshaas farxad u arkaya, heer uu arrinku la gaaro in ay moodaan iney wanaag ka shaqeynayaan.
Imisa ayaa nasoo martay xaalad nuucaan ah, oon is aragnay iney noloshu nala tagtay, si tartiib tartiib ahna ay Allaah inooga fogeysay, hurdada aan ka kici weyno anaga iyo daacadana ay noo dhexeeyaan masaafo dheer, amaba aan iska hilmaamno, illaa aan gaarno in aysan dhibaataba u arag wixii naga tagay oo kheer ah, maxaa yeelay waxaa nala wanaagsanaaday qaabka aan ku sugannahay, islamarkaana aan udhaqaaqi weynay wadada hanuunka, maadaama aan isku qancinay inaan toosnaan ku sugannahay, waana halkaas meesha uu Sheydaanku inooga xiro dhammaan albaabada towbada, uuna naga jaro rajo kasta oo aan Allaah ka leelanahay, Allaah wuxuu Qur’aankiisa ku yiri: { وَزَيَّنَ لَهُمُ الشَّيْطَانُ أَعْمَالَهُمْ فَصَدَّهُمْ عَنِ السَّبِيلِ فَهُمْ لا يَهْتَدُونَ} (النمل: 24).
Kani waa xaalka dadka Qaflada ku sugan ee uu Qur’aanku inooga warramay, isagoona cadeeyay sifadooda, waxa uuna Allaah yiri: {إَنَّ الَّذِينَ لاَ يَرْجُونَ لِقَاءنَا وَرَضُوا بِالْحَياةِ الدُّنْيَا وَاطْمَأَنُّوا بِهَا وَالَّذِينَ هُمْ عَنْ آيَاتِنَا غَافِلُونَ} (يونس: 7).
Marka ay halkaasi Qafladu mareyso, ayna gaarto iney caqliga la tagto, waxaa lama huraan ah in loo helo dhaqtar fiican, kaas oo keena dawo naajix ah, maxaa yeelay cudurkaasi waa mid xun oo asiibaya ruuxda qofka Muslimka ah, isagoo dullinimada iyo cisyaankaas ku raali noqonaya, indhihiisana uu aduunyada ku xirayo, uusan wax kale arkeynin, dadka kalena aysan maskaxdiisu ku laheyn wax manzilad iyo qiimo ah, halmar oo aan si wanaagsan ugu fiirsano ayaana inooga filan inaan ogaanno heerka aan ka gaarnay dhalanteedka Qaflada.