Madaxweynaha Dowladda Fedaraalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku jees jeestay hooyooyinka uu guryahooda ka dumiyay islamarkaana dhulalkooda boobay.
Wuxuu sheegay in haddii uu isagu daaro kala duwan dhisanyo aysan hooyada Soomaaliyeed waxba ka quseynin, isagoo jawaabta uu ka bixiyay cabashadooda iyo dhawaaqa ay warbaahinta la hortaagan yihiin noqotay inuu ku jees jeeso.
Xasan ayaan wali joojin boobka dhulaalka dadka shacabka ah ee ku dhaqan magaalada muqdisho, wuxuuna haatan marayaa heer uu si jees jees ah ula hadlo kadib sanado ay qeyladu ku daaleen dadka shacabka ah ee boobka iyo barakaca lagu hayo.