Maleeshiyaad hubeysan ayaa dhibaato ba’an ku haya gaadiidleyda isaga kala goosha gobalka Mudug iyo dhulka Soomaali-galbeed ee ay gumeysato Itoobiya.
Mudooyinkii lasoo dhaafay darawaladda ka xeeya gaadiidka isaga kala goosha gobalka Mudug iyo dhulka Soomaali-galbeed ee ku hoos jira gumeysiga Xabashida Itoobiya ayaa wajahaya, isbaarooyin ay wadada dhigteen maleeshiyaad hubeysan iyo burburka wadooyinka.
Waxa ay tilmaameen in cabsiga ugu badan ay kulmaan xilliyada habeenki ah oo aysan socon karin wixii ka dambeeya laba saac oo habeennimo, dhulka ugu halista badanna uu yahay kan uu ka arrimiyo maamulka la baxa Puntland.