Weerarka ugu horreeya oo ah qarax miino ah ayaa waxaa lala beegsaday kolonyo katirsan ciidanka Fanger, wuxuuna ka dhacay dhanka Koonfureed ee magaalada Naambaalaa oo katirsan dalka Maali.
Qarax ayaa haleelay mid kamid ah gaadiidkii ay wateen kolonyadan katirsan malleeshiyaadka Fager, wuxuu ukala faniinay bool bool.
Sawirro laga soo qaaday halka uu qaraxu ka dhacay ayaa muujinaya, gaadiidkan oo midba meel yaallo, iyo hub noocyo kala duwan leh oo ay Nusratul-Islaami Wal-Muslimiin ka furteen malleeshiyaadkan, kadib weerar kamiin ah oo ka dhaca halkaasi.
Dhinaca kale waxaa dalka Burkiina-Faaso qaraxyo sedax ah lagula beegsaday ciidamo katirsan xukuumadda wadankaasi oo roondo ku jiray, waxayna qaraxyadan ka dhaceen duleedka magaalada Jiibo.