Waxaa wali duleedka Muqdisho ku xayiran gaadiid isugu jira xamuul iyo rakaab kadib markii ay ka gudbi waayeen isbaarooyin ay askartu dhigteen.
Maalintii 4aad oo xiriir ah ayaa waxaa deegaanka Galgalto ee dhaca duleedka Muqdisho ku xayiran gaadiid isugu jira xamuul iyo rakaab oo kasoo baxay magaalada kuna sii jeeda goballada dalka.
Muuqaallo laga soo duubay goobta ay dadkaan ku xayiran yihiin ayaa muujinaya gaadiid badan oo ku xaniban wadooyinka, waxaana dadka xayiran ay sheegayaa in isbaarada uu qeyb ka yahay Macallin Mahdi oo ah taliyaha Boliska Dowladda Fedaraalka ee gobalka Banaadir.