Gudoomiye gobolka Sanaag ee maamulka labaxay Soomaaliland Axmed Cabdi Muuse, ayaa ka hadlay dagaalladii maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayay magaalada Ceerigaabo. Wuxuu ka hadlay khasaaraha ka dhashey dagaallada dhexmaray ciidankooda iyo kuwa katirsan maamulka labaxay SSC-Khaatumo.
Wuxuu kaloo ka hadlay maxaabiis uu sheegay iney dagaalka ku qabteen, isagoo dhanka kale digniin u diray dadka magaalada.