Dhul gariirkan oo cabirkiisa lagu sheegay 4.9 ayaa saakay aroortii hore ka dhacay meel 3KM ujirta degaanka degaanka Al-Zabuujah oo dhaca dhanka Galbeed ee magaalada caasimadda u ah Wadanka Al-Jazaa’ir.
Dhul gariirka oo ahaa mid xooggan ayaa gilgilay dhismayaasha waaweyn ee Ku yaalla aagga uu ka dhacay in kastoo aan lasoo tebin wax yeello ka dhalatay, dadka halkaasi ku nool ayaana waxaa soo wajahay cabsi iyo argagax.
Hay’adda Difaaca madaniga ee Al-Jazaa’ir ayaa sheegtay, in dhul gariirkan aysan ka dhalan wax waxyeello ah haddii ay ahaan lahaayeen naf iyo maal intaba.
Hadaba masaa’ibta ayaa ka dhalata macaasidda dadku ay sameynayaan habeen iyo maalin, waxaana haboon in dadku ay noqdaan kuwo Allaah ka cabsada.