Madaxda caafimaadka ee mandiqadda Ajdabiya ee ku taalla bariga dalka Liibiya ayaa waxa ay shaaca ka qaadeen, in la helay meydadka qoys Suudaaniyiin ah oo qabow dartiis ugu dhintay dalkaaas.
Geerida qoyskaan ayaa timid kadib markii ay shiteen qalabka kuleylka dhaliya ee looga hortago qabowga daran, kaas oo sababay iney neef qabitoomaan ugu dambeynna ay geeriyoodaan.
Naasir Cabdullaahi oo kamid ah jaaliyadda Suudaan ee mandiqadda Ajdabiya ayaa waxa uu sheegay, in qoyska oo ka koobnaa 5 ruux meydadkooda laga helay meel udhaw Jaziiradda Ad-Dayaarah ee ku taalla mandiqaddaas.
Tani ayaa waxa ay walwal ku abuurtay dadka qaxootiga Suudaaniyiinta ah ee ku nool dalka Liibiya, kuwaas oo wajahaya xaalado adag, iyagoo aan qaarkood heysan waxyaabo ay qabowga uga gaashaantaan.
Dalka Liibiya waxaa ku nool dad badan oo Suudaaniyiin ah, kuwaas oo kusoo barakacay dagaallada xooggan ee ka socda dalka Suudaan islamarkaana udhexeeya ciidanka xukuumadda iyo maleeshiyaadka gurmadka degdegga ah.