Gaadiid badan ayaa ku xayiran deegaan dhaca duleedka magaalada Muqdisho, kadib markii ay halkaasi ku xannibeen askar katirsan Dowladda Fedaraalka oo isbaarooyin dhigtay wadooyinka.
Ku dhawaad 200 oo gaadiid ah oo ubadan nuuca xamuulka qaada ayaa waxa ay ku xanniban yihiin deegaanka Galgalato ee ku yaalla duleedka magaalada Muqdisho.
Gaadiidkaan oo ah kuwa safarka ah ee ka baxay magaalada Muqdisho, islamarkaana badeecadaha nuucyadooda kala duwan geeya goballada kale ee dalka, qaarkoodna ay rakaab yihiin ayaa waxa ay halkaasi ugu xanniban yihiin lacago badan oo baad ah, kuwaas oo ay ka doonayaan ciidamada Dowladda Fedaraalka.
Darawallada gaadiidkaas ayaa waxa ay sheegeen in iyagoo horay looga qaadayay lacag haddana mar kale lagu soo rogay mid kale, taas oo udhexeysa 40$ illaa 250$.
Halkaan ka Degso Warka Gaadiidka Xayiran