Friday, December 27, 2024
HomeAll NewsShacabka Suuriya oo Billaabay Iney Dib ugu Soo Laabtaan Dalkoodii Xuroobay.

Shacabka Suuriya oo Billaabay Iney Dib ugu Soo Laabtaan Dalkoodii Xuroobay.

Gumaadkii iyo xad-gudubyadii uu sanadihii lasoo dhaafay ku kacay nidaamkii Bashaar Al-Asad ee ka arriminayay wadanka Suuriya mudadka ka badan Nus qarniga waxay sababeen, in dad badan oo Siiriyaan ah islamarkaana laga barakiciyay dalkaasi ay ku hayaamaan daahfaha Dunida, iyagoo raadinaya meel ay uga badbaadaan gumaadka uu hayay qoyska reer Asad, waxayna gaareen wadamada Caalamka qaarkood, iyagoo halkaasi noloshooda kasii watay.

Wuxuu ku kallifay iney qaxooti noqdaan xilli ay iyagu xoogooda maalijireen, hase ahaatee wey udulqaateen arrintaasi, waxayna ku qanciyeen naftooda iney la qabsadaan noloshan cusub iyo cimillada aysan u bara ee kala duwan.

Intii ay ku gudajireen safarka dheer ee ay ugu hayaameen wadamo laga yaabo ineysan waligood cagta dhigin, waxaa la kulmeen musiibooyin iyagoo ay soo wajaheen caqabado adag.

Meelaha ay gaareen dad badan oo Suuriyaan ah iyagoo barakacaya waxaa kamid ah wadamada Lubnaan iyo Turkiga oo ah kuwa ugu dhodhow, halka ay sidoo kale tageen wadamo ka fog oo ay kamid tahay Soomaaliya.

Kadib sabar sanado badan qaatay, waxaa xilligan la gaaray waqtigii ay dib ugu soo laaban lahaayeen wadankooda, waxayna billaabeen iney dib ugu soo noqdaan wadankooda hooyo iyagoo aad ugu faraxsan isbedelka ka dhacay dalkooda intii ay maqnaayeen.

Wadanka Turkiga oo kaliya wuxuu tiro koob la baahiyay muujinayaa iney kasoo laabteen dad gaaraya 7,621 [todobo kun, lix boqol iyo labaatan iyo kow] qof, intii udhaxeysay 9-kii illaa 13-kii Bishan December.

Marka laga hadlayo gudaha dalka Suuriya, waxaa jaraa;imta uu geystay sanadihii lasoo dhaafay qoyskii Shiicada ahaa ee talada lag tuuray kamid ah, inuu dadka markii barickiyo ee Basaska ku guri bedelkooda oo Shiico ah ka keenayay daafaha Dunida, islamarkaana ay degayeen guryahooda.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments