Masaajidka ugu weyn ee ay ku tukadaan Soomaalida kunool wuqooyiga dalka Maraykanka, ayaa la kulmaya cadaadis amni oo uga imaanaya dadka Nasaarada ah.
Tani waxay keentay in la joojiyo dhamaan duruustii ka socotay masijdka, dadkuna salaadaha ay tukadaan iyagoo baqaya oo feejigan.
Maamulka masjidka Abuubakar As-Sadiiq ee ku yaala gbbolka Minisota gaar ahaan magaalada Miniyaabulis ayaa ku dhawaaqay in la hakiyay duruusta ka baxda masjidka, iyagoo ugu baaqay dadka jamaacada ah iney taxadaraan.
Yurub iyo Maraykanka waxay dagaal kula jiraan diinta Islaamka, waxaana weeraro laayaan ah oo dad badani ku dhinteen fuliyay muwaadiniintooda, kuwaasoo u dhega nuglaaday dhaleeceynta siyaasiyiinta reer galbeedka ee ka dhanka ah Islaamka iyo Muslimiinta.