Xaafado ku yaalla magaalada Muqdisho ayaa qarka usaaran in qashin awgiis looga guuro, kadib markii ay Dowladda Fedaraalka ku eedeeyeen iney wax ka qaban weysay arrintaas.
Bulshada ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegeen iney dhibaatooyin kaladuwan ku qabaan, qashinka ay iska soo fogooyeen dadka qaar oo ay sheegeen iney kusoo daadiyaan xaafadahooda.
Tani ayay tilmaameen iney ka dhalaneyso caafimaad darri iyo dhibaatooyin kale ay soo wajahaan bulshada, iyagoo intaa ku daray in Dowladda Fedaraalka aysan waxba ka qaban arrintaas taa cagsigeedana ay iyaduba hormuud ka tahay.