Wasaaradda Caafimaadkae e xukuumadda Lubnaan ayaa sheegtay, in in duqeyn ka dhacday magaalada Al-Khiyaam oo dhacday xad-beenaadka udhaxeeya Lubnaan iyo dhulka la heysto ee falastiin lagu dilay 1 ruux, halka uu ku dhaawacmay mid kale.
Duqeyntan oo dhanka cirka ahayd ayaa waxaa fuliyay Maamulka Sahaayida, waxayna ciidankiisu sheegeen iney diyaaradahoodu beegsadeen xubno katirsan ururka isku magacaabay Xisbullaah sida ay hadalka udhigeen.
Ciidanka Yahuudda ayaa la sheegay iney isaga baxeen Koonfurta Lubnaan, waxaan goobihii ay ka baxeen la geeyay ciidamo katirsan xukuumadda Lubnaan, saasoo ay tahayna wali ma aysan join yahuuddu duqeymihii cashwaa’iga ahaa.
Maamulka Yahuudda ayaa horay ujabiyay heshiis lagu sheegay xabad-joojin oo la dhexdhigay iyaga iyo ururka isku magacaabay Xisbullaah, kadib markii ay sidey doonaan ka yeeleen qodobada heshiiska ayey isaga baxeen koofurta Lubnaan.