Tuesday, December 24, 2024
HomeAll NewsMaamulka Jubbaland oo Dowladda Fedaraaalka ku Wareejiyay Askar ay ku Qabteen Raaskambooni.

Maamulka Jubbaland oo Dowladda Fedaraaalka ku Wareejiyay Askar ay ku Qabteen Raaskambooni.

Maamulka Jubbaland ayaa Dowladda Federaalka ku wareejiyay tobanaan askari oo kamid ah ciidamadii ay ku qabteen dagaalkii Raaskambooni.

Kudhawaad boqol askari oo katirsan ciidamada maamulka labaxay Jubbaland ayaa lagu wareejiyay Dowladda Federaalka.

Wasiirka Gargaarka iyo Musiibooyinka maamulka labaxya Jubbaland Cabdiraxmaan Maxamed Maxmuud, ayaa ciidamadan markii ay wareejinayeen, wuxuu sheegay in wax weliba oo dhacay ay masuul ka tahy Dowladda Federaalka.

Taliyaha qeybta 143aad ee ciidamada Dowladda Federaalka oo fadhigoodu yahay magaalada Kismaayo, ayaa la wareegay ciidamadan, wuxuuna sheegay in howshiisu aaney ahayn inuu siyaasad ka hadlo, una yimid Raaskambooni inuu la wareego ciidamada maxaabiista ah.

Halkaan ka Degso Warka Askarta la Wareejiyay

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments