Wednesday, January 1, 2025
HomeWarka GudahaMaxaan ka Naqaanaa Taariikhda Masjidka Cuqba Binu Naafic ee ku Yaalla Dalka...

Maxaan ka Naqaanaa Taariikhda Masjidka Cuqba Binu Naafic ee ku Yaalla Dalka Al-Jeeriya.[WARBIXIN]

Dhisidda Masaajidda waa mid kamid ah waxyaabaha Alle loogu dhawaado, islamarkaana uu qofka Muslimka ah ku galayo Jannada, sidaasi darteed waxa uu Islaamku ahmiyad weyn siiyay dhisidda Masaajidda, iyadoo la weyneeyay ajarka uu helayo qofkii Masjid dhisa.

Tan iyo soo ifbixii dowladdii Islaamka ee uu hogaaminayay nabi Maxamed Sallallaahi Caleyhi Wasallam, waxa ay Masaajiddu ahaayeen kuwa qiimo weyn ku dhex leh Muslimiinta, iyadoo la isugu imaan jiray laguna kala qaadan jiray dhaxalka suubxanaha oo ah cilmiga diineed.

Hogaamiyayaashii soo maray Muslimiinta, ayaa iyaguna waxa ay xoogga saareen sidii loo sare yeeli lahaa manzilada Masaajidda Allaah, waxaana la dhisay Masaajid loogu magac daray saxaabo ajillo ah iyo hogaamiyayaal Muslimiinta soo maray oo faatixiin ahaa.

Al-Jeeriya waxa uu kamid yahay wadamada Carbeed ee ku yaalla woqooyiga qaaradda Africa, waxa uuna dalkaani la gaar yahay macaalim diineed iyo kuwa taariikheed oo ka markhaati kacaya waxa uu yahay.

Mid kamid ah macaalimtaas illaa iyo maantana jira waa Masjidka Cuqbah Binu Naafic ee ku yaalla magaalada Seydi Cuqbah, waana masjidkii uu jeclaa Ibnu Khalduun ee uu ka yiri: “Waxa uu kamid ah yahay masaajidda ugu sharafta badan dunida, oo waxaa ku aasan tiro shuhado ah iyo saxaabadii raacay.

Halkaan ka Degso Warbixinta

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments