Masuuliyiin katirsan Maamulka labaxay Jubbaland ayaa Tagay dalka Itoobiya, halkaas oo ay kulamo kula yeesheen Saraakiisha ciidanka Itoobiya.
Wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo madaxweyne kuxigeenka koowaad ee maamulka labaxay Jubbaland Maxmuud Sayid Aadan, ayaa gaaray dalka Itoobiya, halkaas oo ay kulamo kula yeesheen saraakiisha ugu sareeya ciidanka milliteriga Itoobiya.
Maxmuud Sayid Aadan oo ay safarkiisa ku wehlinayeen wasiirada Tamarta & Kheyraadka biyaha Axmed Baraaki (Zubeyr) iyo Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta & Teknolojiyada Mascuud Cabdulaahi Axmed, ayaa la kulmay Taliyaha ciidamada Itoobiya ninka lagu magacaabo Berhanu Julla.
Qoraal kooban oo lagu baahiyay warbaahinta maamulka labaxay Jubbaland, ayaa lagu sheegay in labada dhinac ay ka wada hadleen sidii la isaga kaashan lahaa dagaalka ka dhanka ah Xarakada Mujaahidiinta Al-SHabaab, iyo in si nabad ah ay u wada noolaadaan dadka degan xududuaha, sida warka loo dhigay.
Tani ayaa kusoo aadeysa iyadoo dowladda Itoobiya ay ciidamo horleh soo gelisay gobolka Gedo, kuwaasoo qeyb ka noqonaya khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Axmed Madoobe.