Thursday, December 26, 2024
HomeAll NewsWeeraro ka Dhan ah Shisheeyaha iyo Maamulka K/Galbeed oo ka Dhacay Sh-hoose...

Weeraro ka Dhan ah Shisheeyaha iyo Maamulka K/Galbeed oo ka Dhacay Sh-hoose Baay & Lamu.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weeraro khasaare dhaliyay oo ka dhan ah ciidanka Shisheeye iyo kuwa Dowladda Fedaraalka waxa ay ka fuliyeen, goballada Sh-hoose, Baay iyo gobalka Lamu ee ku hoos jira gumeysiga Kenya.

Haddaan ku horeyno Sh-hoose, waxay xalay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab weerar ku qaadeen, xerada ay askarta Shisheeye gaar ahaa kuwa Uganda ay ku leeyihiin, deegaanka Danow ee katirsan gobalkaas.

Sidoo kale waxaa isla xalay madaafiic lagu garaacay, saldhigga ay askarta Xabashida Itoobiya ku leeyihiin degmada Qansaxdheere oo katirsan gobalka Baay.

Iska gobalkaasi waxaa weerar lagu qaaday, xero ay askarta maamulka la baxay Koonfur-galbeed ku leeyihiin deegaanka Awdiinle oo hoostaga magaalada Beydhabo ee xarunta gobalka Baay.

Dhanka gobalka Lamu, waxay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab weerar qarax ah la beegsadeen, kolonyo katirsan askarta Kenta oo kasoo baxay magaalada Maliindi kuna sii jeeday deegaanka Kaambooni.

Gaari Kooyal ah oo kamid ahaa kolonyada ayuu haleelay qaraxa, kaas oo gabi ahaanba gubtay, halka ay ku le’deen askartii saarneed gaarigaas.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments