Waxaa dalka Mareykanka mar kale laga soo sheegayaa dabeyllo xooggan oo uu ka dhashay dab gubaya keymaha magaalada maaliboo ee dhacda Galbeedka gobol Loos Anjali see dalkaasi.
Duufaantan ayaa maalmo kahor ka billaabatay dalka Mareykanka gaar ahaan xeebaha gobolka Loos Anjalis, waxayna daacaddii jareysaa 64 KM, iyadoo ay ka dhasheen burbur guryo badan oo ku yiilay Maaliboo iyo barakaca kumanaan ruux.
Inta badan magaalada Maaliboo oo asal ahaan ay ku noolaayeen dad gaaray 10,000 [toban kun] ayaa burburtay, kumanaan qof ayaana ka barakacay magaaladan.
Wararku waxay tilmaamayaan in si deg deg ah aan loogu baraarugin dabka ka dhashay dabeyshan, wuxuuna khasaaraha hordhaca ah ee la helayo sheegayaa burburka 7 guri iyo 8 kale oo ay wax yeello soo gaartay.
Dhanka kale kumanaan ruux oo Ameerikaank ah ayey illaa iyo haatan korontadii ka maqan tahay sababo la xiriira duufaantan ku dhufatay, taasoo socota maalmo xiriir ah.
Dadka Ameerikaanka ah ayaa wuxuu Allaah ku salliday musiibooyin is xig xiga maadaama ay dowladoodu gumaad ba’an ku heyso dad badan oo Muslimiin ah oo aan waxba galabsan, waxayna guranayaan mirihii ka dhashay gabood-falladii ay geysteen, sanadihii lasoo dhaafay, illaa iyo haatanna wali socoda.
Duufaantan ku dhuftay wadanka Mareykanka ayaa imaaneysa, xilli muddo kooban uun ay kasoo wareegatay duufaano is xig xigay oo ku dhuftay magaalooyin dhaca dhanka xeebaha dalka Mareykanka.