Sunday, January 5, 2025
HomeAll NewsAl-Shabaab oo si Adag Uga Soo Horjeestay Heshiiskii Xasan Shekh iyo Abiy...

Al-Shabaab oo si Adag Uga Soo Horjeestay Heshiiskii Xasan Shekh iyo Abiy Axmed.[BAYAAN]

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay waxa ay si adag uga hadashay, heshiiskii xalay magaalada Ankara ee dalka Turkiga ku dhex maray Xasan Sheekh iyo Abiy Axmed.

Heshiiska oo Itoobiya u ogolaanaya qaadasha qeybo kamid ah xeebaha Soomaaliya, ogalaanshana siinaya ciidanka Xabashida ee duullaanka ku jooga dalka ayay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab sheegtay inuu yahay mid xaaraan ah ayna si adag uga soo horjeedo.

“Waxaan u caddaynaynaa ummada Soomaaliyeed, in heshiiska cadawgu ku kala saxiixday Ankara uusan waxba ka duwanayn midkii lagu saxiixay Addis Ababa ee dhexmaray Abiy Axmad iyo Muuse Biixi, hadafka uu Xassan Gurguurte heshiiskan ku xaqiijiyeyna uu yahay kaliya dooddii uu fagaarayaasha la taagnaa mudada sanadka ah ee ahayd in isaga la soo marsiiyo qandaraaska lagu bixinayo badda Soomaaliya” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ee looga soo horjeeday heshiiska Ankara.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa bulshada Soomaalida si gaar ah dhalinyarada usoo jeedisay iney fadhiga ka kacaan, islamarkaana ku baraarugaan hagardaamooyinka ee ay shisheeyuhu umaleegayaan, ayna difaacdaan diintooda, dalkooda iyo dadkooda.

Halkaan ka Akhriso Bayaanka oo PDF ah

Halkaan ka Degso Bayaanka

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments