Dadkaan oo ku dhaqan deegaanka Ceel-huur ee dhaca duleedka Muqdisho ayaa dhigay dibadbax ay kaga soo horjeedaan barakicin loo geysanayo.
Waxa ay xirteen wadada isku xirta deegaanka Jaziira iyo magaalada Muqdisho, waxa ayna sheegeen in shaqsiyaad katirsan Dowladda Fedaraalka ay barakicin kala kulmayaan.
Waxa ay tilmaameen in rasaas loo adeegsaday, iyagoona xusay in dhulka ay iyagu leeyihiin aysanna yeeli doonin in la barakiciyo.