Friday, December 27, 2024
HomeAll NewsBashaar Al-Asad iyo Qoyskiisa oo Qoxooti ku ah Dalka Ruushka.

Bashaar Al-Asad iyo Qoyskiisa oo Qoxooti ku ah Dalka Ruushka.

Warbaahin laga leeyahay Ruushka oo soo xoganeysa war kasoo baxay aqalka Kirimilinka ee looga taliyo Ruushka ayaa sheegtay, in dowladda Ruushku ay arrimo badani’aadannimo awgood megengalyo usiisay Bashaar Al-Asad iyo xubnaha qoskiisa, haatanna ay ku nool yihiin  magaalada Mooskoow.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushka ayaa maalintii shalay bayaan ay soo saartay ku sheegtay in Bashaar Al-Asad uu isaga baxay dalka Suuriya kadib markii uu is casilay xilkana si nabad ah ku wareejiyay sida ay hadalka udhigtay, arrintaasi ayaana ah waxba kama jiraan beeninaya wixii ay goob joog u noqdeen reer Suuriya iyo dadka ku nool Caalamka intiisa kale.

Hadalka kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushka lagu qiimeyn karaa oo kaliya  mid la rabo in Bashaar Al-Aasadkii xilka laga faramaroojiyay loogu qiil dayo, waxayna dhanka kale ku adkeysatay wasaaraddu ineysan wax lug ah ku lahayn safarkiisii uu uga baxay Suuriya.

Waa sidaasi iyo iyo siyaabo kale oo kasii daran masiirka ninkasta oo ugacan qabta shisheeyaha dadka Muslimiinta, wuxuuna dhaxlayaa duligii uu umadda baday kolkii hore.

Bashaar Al-Asad iyo Asharaf Qanigii kasoo cararay Afqaanistaan, waxay cibro ugu sugan tahay madax badan oo maanta ka taliyana dunida islamarkaana garab u ah shisheeyaha  islamarkaana ka hiilliyay umaddooda, waxaana la guboon iney kasoo laabtaan hadimada ay ku hayaan haadaanta ay uqodayaan umadda, kahor inta aysan goob joog unoqon tan maanta bashaar ku habsatay.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments