Ardayda iyo macallimiinta iskuul ku yaala magaalada Muqdisho, ayaa sheegay iney heleen xogo tilmaamaya in dhulka iskuulku ku yaalo laga iibsanayo ganacsato.
Ardeyda iyo macallimiinta oo bananabax ka dhigay xarunta iskuulka oo ku taalla degmada Hodan ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegay iney ka xunyihiin in dhulka uu ku yaalo iskuulka la iibsado.
Ardeyda iskuulka ayaa Xasan Sheekh Maxmuud u sheegay in iskuulkooda aanu beec ahayn, oo ay u baahanyihiin in faraha looga qaado.
Cabdi-Naasir Cali Maxamed oo ah maamulaha iskuulkan cabanaya ayaa sheegay in dhulka ay deganyihiin ay sharci kudeganyihiin, ayna u baahanyihiin in ganacsatada dooneyso in dhulkooda iibsadaan aaney arintaasi ku dhaqaaqin.
Dhaqanka caadiga ka noqday Muqdisho waa dhul boobka, waxaana horboodaya madaxweynaha Dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxmuud.