Labadii maalmood ee lasoo dhaafay waxaa dalka Jarmalka ka socday dibadbaxyo ay dhigayaan dadka Soomaalida ah ee dalkaasi ku nool, kuwaas oo ay kaga soo horjeedaan qorshaha uu Xasan Sheekh dib ugu soo celinayo dadkaas.
Xasan Sheekh oo dhawaan tagay Jarmalka ayaa xukuumadda Berlin usoo jeediyay codsi ah iney dalkeeda kasoo tarxiisho Soomaalida ku nool dalkaas, taas oo sababtay iney dhacaan dibadbaxyadaan.
Dadka ayaa kasoo horjeeday arrintaan, waxayna sheegayeen in Xasan uu waxba uqaban waayay bulshada ku nool Muqdisho, sidaa darteedna uu doonayo inuu lacago ku qaato madaxdooda.
Waxay kaloo tilmaameen in safaaradda Dowladda Fedaraalka ee Jarmalka ay isku dayday iney dhiciseyso isku soo baxa ay dhigayeen dadka Soomaalida ah ee ku nool Jarmalka.