Taliye kuxigeenkii hore ee hay’adda NISA, hadana ah falanqeeye amni ayaa walaac daran ka muujiyay, in ciidamada Maraykanku ka baxaan Sooomaaliya marka uu talada la wareego Donald Trump.
Cabdi-Salaam Guuleed ayaa aaminsan in haddii ciidamada Maraykanku ka baxaan Soomaaliya, aaney ciidamada Dowladda Federaalka ku filneyn ka hortagga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.