Ciidmada maamulka Mustafe Cagjar ayaa in kabadan 128 neef oo Geel ah oo ay soo dhaceen ku wareejiyay ciidanka Itoobiya, iyagoo shilimo yar dhaafsaday.
Xoolahan ayey ciidamada Mustafe Cagjar kasoo dhaceen degmada Xarshin ee kamid ah dhulka Soomaali-Galbeed iyagoo fulinaya amarkiisa waxayna ugeeyeen ciidamada Itoobiya.
Dhaca xoolaha dadka Soomaalida ah ee ku hoosjira gumeysiga Itoobiya, ayaa waayahan dambe dhaqan unoqday askarta maamulka ay xabashidu ka dhisatay dhulkaasi gumeysiga ku jira.