Wararka ka imaanaya dalka Kenya ayaa ku waramaya in iska hor-imaad khasaare dhaliyay uu ka dhacay, mid kamid ah ismaamullada ku yaalla dalkaas.
Iska hor-imaadka ayaa yimid, kadib markii ciidanka Kenya ay weerar ku qaadeen, guri ay sheegeen iney ku suganaayeen kooxo burcad ah oo ku yaalla ismaamulka Kakamega ee Kenya.
War kasoo baxay waaxda dambi baarista ee dalka Kenya ayaa lagu sheegay, in weerarka ay ku dileen ugu yaraan 2 kamid ah kooxihii ay sheegeen iney weeraraan, kuwaas oo ay ku eedeeyeen iney dhac ugeysan jireen dadka deegaanka.
Waxa ay sidoo kale sheegeen saraakiisha dowladda Kenya, in weerarka ay kusoo furteen mid kamid ah qoryihii ay wateen kooxaha ay weerarka ku qaadeen.
Kolkii hore waxa ay waaxda dambi baarista Kenya sheegtay, in ciidanku ay kooxaha ka dalbadeen iney isa soo dhiibaan, balse ay iska diideen arrintaas, taas oo keentay inuu iska hor-imaad dhex maro.
Dalka Kenya ayaa waxaa marar badan sidaan oo kale uga dhacay iska hor-imaadyada udhexeeya kooxaha burcadda ee dilalka iyo dhaca geysta, waxaana weeraradaas qaarkood lagu dilay saraakiil iyo askar katirsan Kenya.