Yuusuf Xuseen Cismaan (Dhuumaal) Wasiirka Amniga ee maamulka la baxay Jubbaland oo maalmihii udambeeyay ku sugnaa deegaanno katirsan gobalka Gedo ayaa waxa uu shaaca ka qaaday, inuu ka badbaaday isku dil oo isaga lala damacsanaa.
Dhuumaal ayaa sheegay in qorshahaan isku dayga dilka ah ee uu ka badbaaday ay ka dambeyso, islamarkaana ay soo qorsheysay Dowladda Fedaraalka oo ay xiisad adag kala dhaxeyso maamulka la baxay Jubbaland.
Waxa uu tilmaamay in isagoo ku sugan degmada Baladxaawo ee gobalka Gedo ay magaalada ugu yimaadeen saraakiil ay soo dirtay Dowladda Fedaraalka, kuwaas oo ka kala tirsanaa ciidanka Millatariga iyo kuwa Booliska.
Amarro 3 ah ayuu sheegay in saraakiishu dul dhigeen, kuwaas oo kala ahaa inuu isaga baxo maamulka uu hogaamiyo Axmed Madoobe islamarkaana uu cambaareeyo nidaamkaas, inuu magaalada isaga baxo, iyo in haddii uu baaqaas ka dhaga fureysto ay isagoo jeebeysan xabsiga utaxaabi doonaan.
Dhammaan qodobaas ayuu sheegay inuu ka biyo diiday, isagoo umahad celiyay ciidanka Xabashida Itoobiya iyo gudoomiyaga degmada Doolow oo uu tilmaamay iney ka badbaadiyaan qorshaha lala damacsanaa.